Xog Ogaal Online

Somali State Current News, Politics & Analysis

Friday, Apr 25th

Last update:07:47:30 PM GMT

You are here:

Xog Ogaal Online

Maayarka maamulka magaalada dhaxbuur oo ka warbixiyya waxqabadkii 6da bilood ee sanadkan 2006.EC u yaalay Maamulka Magaalda Dh/buur.

E-mail Print PDF

Dh/buur.Maayarka maamulka magaalada dh/buur mudane suuldaan maxamed xasan oo waraysi gaar ah siiyay shabakada wararka ee cakaaraNews ayaa sheegay in guulo waawayn maamulka magaalada dh/buur ka soo hooyay Hirgalinta qorshayaashii u yaalay 6da bilood ee sanad miisaaniyeedka 2006 EC.

Mayorka ayaa Tibaaxay in iyaga oo ka duulaya qorshaha u yaalay 6 bilood Dhaanka Horumarka iyo ka qaybgalka bulshada arimaha horumarka ay guulo ka gaadheen dhinacyada waxbarashada caafimaadka iyo  jidadka  mar uu ka hadlayay dhinaca waxbarashada ayaa waxa uu sheegay  in shirarkii qimaynta waxqabadkii rubuceedka ahaa si gaar ah diirada loogu loogu saarayay waxqabkii wixii  ka qabsoomay dhinacyada tayaynta waxbarashada ay ka soo baxeen natiijoyin aad u wanaagsan Siba Gabdhaha iyo Caruurta Gaadhay da'da waxbarashada ayuu yidhi.


Suldaan dhanka ka caafimaadka ayaa uu Sheegay In qorshihii yaalay sidii loogu talagaya u hirgaleen iyadoona isbitaalka Dh/buur lagu soo Kordhiyay Dhismaha Qaybta qaliina iyo Waadhka Caruurta iyadoona Todobaadkii Tegay aanu Xadhiga ka jarnay ayuu yidhi.


Waxaa kale oo uu sheegaymaayarku in dhinaca jidadka siwayn ay u hirgaleen qorshihii loogu tala galsanaa anagoo buu yidhi hirgalinay jidadbadan oo ah kuwa la dhigo dhagaxa qoran cobble stone

Todobaadkii Gacanqaadka Masuuliyiinta Deegaanka ee Ka Dhaca intii Xukuumadani Jirtay.

E-mail Print PDF

Waxaa Todobaadkii la soo dhaafay faraha isulatagay masuuliyiin ka taliya xafiisyada Heer Deegaan Sida 2da kuxigeen ee wakaalada Dakhliga DDSI,wasiirada Xafiiska haweenka DDSI iyo Kuxigeenkeedii iyo Qaar kaloo badan.


Todobaadkan ay Deegaanka ka dhacday Markii ugu horaysay Gacan Qaad Heer Masuuliyiin ah intii ay jirtay Xukuumadan uu Hogaankeeda Hayo madaxwayne cabdi Maxamuud Cumar Walow uu Madaxwaynaha Deegaanku Shaqo ugu Maqnaa Addis-Ababa kuna sugnayn Jigjiga xiliga falalkani dhacayeen.


Ma laga Yaabaa in ay masuuliyiintan Daba Joogaan Sida Laga Daawado Telefishinada marka baarlamaanada ingiriiska iyo maraykanku Doodayaan iyadoo Wax la isku Tuurtuuro afkana La iskaga hanjabo,Balse falkani wuu Ka Duwan yahay oo Waa Gacan ka Hadal ku soo kala gaadheen Dhaawacyo .

Tababar kusaabsan Sidii loo kordhin lahaa Xarumaha-caafimaadka lagu Daweeyo Cudurka (Leishmaiasis) oo loo Qabtay Xirfadlayaal Caafimaad oo kasocday 12 xarumo-caafimaad Degmooyinka Qaar Ka Mida ayaa Soo Gabagaboobay.

E-mail Print PDF

Tababarkan Ayaa kusaabsanaa Sidii loo kordhin lahaa Xarumaha Bixiya Daawaynta Cudurka loo yaqaan (Leishmaiasis)  iyadoo hada ka hor lagu baadhi jiray Cudurkan 5 xarumo caafimaad laguna dawayn jiray 2 xarun Caafimaad oo kamida 12kan Xarumo Ee ku kala yaala Qaar kamida Degmooyinka DDSI.


Hada ka hor ayaa Dawaynta Cudurkan Gacan ku Siin jirtay Ha'adii MSF oo uu Kontoraadkii a Dhamaaday taasoo uu Xafiiska Caafimaadka DDSI uu dejiyay Qorshe Dib loogu Bilabayo Dawayntii iyo Baadhitaakii Cudurkan Afka Qalaad oogu yeedho(Leishmaiasis) inkastoo ay noogu sheegi kari waayeen Cudurkan waxa looguyeedho Afka Soomaaliga.


Furitaankii Tababarkan xafiiska caafimaad DDSI uu  U Qabtay Xirfadlayaasha caafimaadka ayaa uu furay  Xidhiidhiyaha Ka Hortaga Cudurada faafa Mudane Siraaj Aadan Xasan waxaana uu Kula dardaarmay  xirfadlayaasha Inay Si fiican uga Faa`iidaystaan Cashirada lasiinayo Si Ay Ubuuxiyaan  meelihii Ay hay`adu Ka baxday iyo meelaha Cusub Ee hada lagu darayba Masuulka Ayaa Sheegay in hada laga Bilaabo Cudurkan (Leishmaiasis) lagu daawayn doono 5 xarumo caafimaad halka lagu Baadhi Doono 12 xarumo Caafimad ooku yaala Degmooyinka

Tababarkan  socayMudo Sadex Cisho ah  Ayaa Waxaa Cashiradiisa bixinayay  Macalimiin ka Socotay Jaamacada Adis Ababa iyo Hay`ada  WHO,iyadoona Munaasabadii agu gabagabeeyay tababarkan uu ka soo Qaybgalay Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka DDSI MUdane C/fataax Siciid.
Mudane C/fataax ayaa ka Warbixiyay Dadaalada uu Xafiisku ugu jiro sidii Xooga loo saari lahaa Dawaynta iyo Baadhitaanka Cudurkan afka Soomaaliga lagu Turjumi kari waayay ee afka Qalaad ku ah (Leishmaiasis).
ugu danbayntii iyo Dardaaran ka dib ayaa Abaalmarino lagu Gudoonsiiyay Tababartayaashii iyo Macalimiintii Casharada Bixinaysayba.

Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha DDSI Ayaa u Qabtay Shir Lagu dardargalinayo Adeeg-bixinta Bankiyada Dhanka Horumarka.

E-mail Print PDF

Waxaa ka Dhacay Magaalada Jigjiga Kulan Balaadhan Oo Uu Hogaaminayey Wasiirku Xigeenka Xafiiska Horumarinta Magalooyinka iyo Warshadaha DDSI Mudane: Axmed Shugri Cabdi,islamarkaana ay Ka Soo Qaybgaleen Masuliyiin Ayka Mid Ahayeen Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Iyo Gadiidka DDSI Mudane: C/Laahi Yuusuf , Mareeyaha Wakaalada Horumarinta Shirkadaha Yaryar DDSI Mudane: Cabdi Bile Iyo Masuliyiin Ka Socotay Wakaalada Dhismaha Liyuu Police Iyo Masuliyiin Kala Duwan Oo Ka Socotay Bangiyada Dawliga Ah Iyo Kuwa Aan Dawliga Ahayn Ee Ku Yaala Magaalada Jigjiga.


Kulankan Xasaasiga ah ayaa ay Ujeedada ugu Wayn ee ay Xukuumada DDSI ka lahayd ahaa  Sidii Laamaha Qaabdhismeedyada Dawlada iyo Bankiyadu wadair uga Munaaqashoon lahaayeen Doorka Bankiyada kaga aadan hawlaha Horumarka Deegaanka ka socda ay kaalin Muhiima uga Qaadan lahaayeen si looga Midho dhaliyo Qorshayaasha Kobaca Dhaqaale ee shanta Sano la hiigsanayo (5yrs Growth Ad Transformaion Plan) Sidoo kalana Dhanka kaydsiga lacagaha Bulshadu Dhigato Bankiyada.


Kulankan ayaa uu ugu horayn Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha Mudane Axmed Shukri Cabdi uu Sharax ka bixiyay Qorshayaasha Xukuumada DDSI ay u dejisay Deegaanka sidii Kor loogu soo Qaadi lahaa Kobaca Dhaqaale,Nolosha Shacabka Deegaanka,Shaqo Abuurka,Maamulka Suuban,Taabogalinta Adeegyada aasaasiga u ah Bulshada iyo Joogtaynta Horumar Baaxad wayn oo Si xawli ah Deegaanka Soomaalida Itoobiya laga Hirgaliyo.
Mudane Axmed Shukri ayaa tibaaxay Waxqabadka laga doonayo Dhamaanba laamaha Dawlada in uu Yahay mid ku salaysan kana Turjumaya Qorshaha Waxqabadka Xukuumada DDSI,islamarkaana laga Doonayo Bankiyada Dawliga ah iyo Kuwa Wadaaga Saamiyada ahba looga baahan yahay iyo Door Muhiima ka qaataan Horumarka Deegaanka ka socda iyo kabida Dhaqaalaha Bulshada Deegaanka si kor loogu soo Qaado Nolosha Shacabka.


Intaasi Kadib Ayaa Masuliyiintii Kasoo Qaybgashay Ay Isku Weydaarsadeen Fikradaha Iyo Aragtiyaha Kala Duwan Ee Bangiyada Dawliga Iyo Kuwa Aan Dawliga Ahayn U Sahli Kara In Ay Kaga Qaybqataan Horumarka Degaanka Iyo Kabida lacageed ee ay Bankiyadu Sida Bankiga Horumarintu siiyaan Bulshada Degaanka.


Gabagabadii Kulankaasi ayaa uu Wariyaha CakaaraNews Cabdi Ciise uu Waxka Weydiiyey Qaar ka mida Masuliyiinta Bangiyada Kasoo Qaybgalay Shirkan Aragtidooda ku aadan ka Qaybqaadashada Dhinaca Horumarka,Amaaha Bulshada la siiyo iyo Adeegyada Dhigaalka ay Shacabka siiyaan,iyagoona Sheegay in ay diyaar u yihiin hadba Awaamiiraha Qaanuniga ah ee ay Xukuumadu siiso Diyaarna u yihiin in ay kaalin libaaxeed ka qaadan doonaan Horumarka Degaanka Somalida Itoobiya Islamarkaana Ay Fursadaha Bangiyada Kala Duwan Ay Hayaan Uga Faideyaan Bulsha Weynta Degaanka .
Kulankan Lagaga Wada Hadlayay Sida Bangiyada Dawliga Ah Iyo Kuwa Aan Dawliga Ahayn Ay Kaalin Libaax Uga Qaadan Lahayeen Horumarka Degaanka Somalida Itoobiya Iyo Sdii Ay U Dhiiri Gelin Lahayeen Bulshada Degaanka Keydsiga Iyo Sameynta Maalgashiyo Kala Duwan ayaa lagu Balamay in Si joogto ah loo sii ambaqaado kulamo Noocan oo kale ah.

Maqaal: Caynaanshaha Madaxtooyada Cabdiyada (CMC)

E-mail Print PDF

Caynaanshaha Madaxtooyada Cabdiyada (CMC)
W/Q Ahmed A. Ali
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Horaantii Sanadkan aynu ku jirno ee 2013 ka. Anigoo arrimo badan tixgalinaya. Anigoo Sifooyin muhiim ah  xeerinaya. Anigoo qaadaa dhig, shaandheyn iyo gorfeyn qoto dheer adeegsanaya. Anigoo baadhitaano iyo daraasado ku soo wada koobay Hogaamiyeyaasha ka arrimiya amaba soo maray Gayiga Soomaalidu dagto ee Geeska Afrika, ayaan gaba-gabadii iyo gunaanadkii waxaan si niyad sami iyo kalsooni leh ugu hibeeyey Darajada: Madaxweynenimo –  Mudane, Cabdi Maxamuud Cumar (CMC), Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Waa Darajo, marka kowaad uu istaahilo una qalmo, marka labaadna uu mutaystay.

Xigasho:

Madaxweynenimadu ma aha Darajo
Cid waliba ku sifoobi karto, haba siteen
magaca hadday doonaane.
Waa wax aad ku mutaysankarto
Sida aad Shacabkaaga ula dhaqanto,
U dhaqdo uguna dhaqdo
.
Ahmed A. Ali (2013)

Maanta oo aynu ku jirno dabayaaqadii isla  sanadka 2013 ka, waxaan ku sagootiyayaa inaan yara kormaro waxyaabaha hurumarka leh iyo guulihii ugu waaweynaa ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka fuliyey Deegaaanka Soomaalida Itoobiya ee uu Madaxweynaha ka yahay.

Walaalow i qaddari oo ha i quudhsan.

Waa erayo ku xardhan wajiyada Bani Aadamka oo idil. Qofka caqligu shaqaynayo, waxaa lagu gartaa oo astaan u ah, erayadaasuu arkaa oo uu ka akhriyaa jaaha ruux kasta oo uu la kulmo.
Sidaasaanuu cidna u quudhsan oo uu dadka u wada qaddariyaa. Isagana lagu qiimeeyaa oo lagu xushmeeyaa.

Ka waxkale shaqaynayaan se, ma arko erayadaa oo indhihiisuba ma qabtaan. Waa ka quudhsada Bani Aadamka uu la kulmo ama uu hogaamiyaha u yahay ee la mid ka ah. Waa ka haba yaraatee aanuu Caqligu shaqaynin. Waa ka ilaawa tii shalay. Waa ka aan garanin ta manta. Waa ka aan filynin ta barrito.

Hogaaminta waxaan u haystey Awood iyo Cudud la isticmaalo, maantase waxaan ogaadey, iney tahay Shacab la socodka.
Mahatma Gandi

(I suppose leadership at one time meant muscles, but today it means getting along with people.)
Mahatma Gandi

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (CMC) waa Madaxweyne gayiga Soomaalidu ku nooshahay ee geeska Afrika taariikhdiisa baal dahaba ka galay. Waa Madaxweyne Cis, Mudnaan, Maamuus iyo sharafba huwan. Waa Madaxweyne magac iyo miisaan ku dhex leh Bulshooyinka ku hadla Afsoomaaliga, meel kasta oy dunida kaga noolyihiin.

Wuxuu u hayaa Shacabkiisa Qadarin aan habayaraatee Quudhsi lahayn. Isagoo marwalba dhex socda Shacabkiisa. wuxuu la fadhiistaa oo xogwareystaa Shacabkiisa, si uu u ogaado dhibaatooyinkooda iyo baahidooda u baahan wax qabad iyo in la daboolo.

Waa Madaxweyne u gargaara shacabkiisa kuligood, gaar ahaan, Waayeelka iyo Dhalaanka.
Waxaad arkaysaa isagoo ku foorara oo gacmaha iyo garbahaba haya kuwooda jilicsan.

Dadaaladaa iyo wax qabadkiisa kalsooni abuurka leh ee wadaninimo waxay horseedeen:

  • In dhammaan Shacabkiisu uu noqdo mid Himilo, Damac, Rajo iyo kalsooniba   yeesha.

    (Shacab Wade Cabdi Maxamuud hortii, Shacabka Deeganku, wuxuu ahaa Shacab qalbiga iyo madaxu kala xidhanyihiin. Shacab aan rumeysnayn awoodiisa iyo in uu wax qabsan karo toona. Shacab aan talaabsankareynin oy wali silsiladihii Gumeystayaashii Xayle iyo Mangistu addimmada kaga jabsanyihiin cid ka jabisana la’. Shacab xidh-xidhan, kala xidhan oon iskuba kalsooneyn, oo iswada basaasaya. Shacab hankiisuba yaryahay)

  • In dhammaan Shacabkiisa Miyi & Magaalaba la gaadhsiiyo Daryeel Caafimaad. Iyadoo ay badankoodu maanta helaan Daryeel Caafimaad oo tayeysan.
  • In dhammaan Shacabkiisa la gaadhsiiyo Waxbarashada aasaasiga ah. Iyadoo ay badankoodu maanta helaan Waxbarashada Tacliinta Sare.
  • In dhammaan shacabkiisu ay helaan jidad ay isagaga gudbaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka. Iyadoo ay badankoodu maanta haystaan Dariiqyo laami ah.
  • In dhammaan Shacabkiisu ay helaan biyo ay cabbaan. Iyadoo ay badankoodu maanta haystaan biyo macaan oy si howl yar u gaadhi karaan.
  • In dhammaan Shacabkiisu helaan taageerada iyo agabka tacbashada Beeraha. Iyadoo ay maanta badankoodu helaan Matoorada biyaha, Qalabka, Shinnida iyo Agabyo kale oo ka caawiya tacabka beeraha.
  • In dhammaan Shacabkiisu ay ka qayb qaataan hurumarka balaadhan ee dhan kastaba ah ee laga hirgalinayo dhammaan Gobolada iyo Dagmooyinka Deegaanku ka koobanyahay, Iyadoo ay badankoodu maanta ka qaybqaataan Talada, Maamulka iyo Maareynta danaha Dalka, Deegaanka iyo Dadkaba.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud, waa Madaxweyne Maskaxdiisa iyo Qalbigiisu wada socdaan.

Kuwa gudaha jooga iyo kuwa dibadda ku nool, dariska iyo beesha caalamka oo idil waxaan maanta  cidna ka  qarsooneyn:

Horumarka  ballaadhan  ee  dhankastaba  ah ee  Deegaanka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka  hirgaliyey.
Neecawda nabadgalyada dalka wadagaadhey ee Muwaadin iyo Muqiimba lawada hadhsanayo.
Hannaanka Dowladnimo, kaladanbeynta, Caddaaladda, cad-caddaanta, hawl-karnimada iyo waxqabadka, lagubaahiyey gobolada dalka. Loona sii dhaadhiciyey degmooyinka, tuulooyinka ilaa Qabaleeyada (xaafadaha) oo dhan.

Waxaa kale oo iyana ahmiyad ballaadhan ku fadhiyey, guulo wax ku oolana soo hooyey,  booqashooyinkii silsilado jabiska ahaa ee ay Madaxweyne Cabdi iyo Cabdiyada kale ee Madaxweyne ku xigeenadiisu: Cabdilaahi,Cabdixakiim,Ina Cabdi Ismaciil(Khadar) ay ku soo kala bixiyeen dhammaan qaaradaha aduunka. Iyaga oo Jaaliyadihii u dhashay Deegaanka ee ay la kulmeen uga warramay xaaladda dhabta ah ee uu dalku haatan ku suganyahay, maskaxdoodana ka saaray waxyaabo badan oo mala awaal iyo been abuur ku dhisnaa oo Deegaanka Warxumo-tashiilku ka faafiyeen.

Waxay uga xogwarrameen Isbadalada horumarineed ee ay ku tallaabsatay Dowladda Deegaanku oy ugu horreyso nabadgalyadu, iyo sida ay Ciidamada Soomajestayaasha Liyu booliska Deegaanku meesha uga saareen gabi ahaanba  khatartii ay Nabad-diidku ku hayn jireen Shacabka Deegaanka iyo Xoolahoodaba.

Waxay si faah-faahsan uga war bixiyeen Mabaadii’da lagu badhaadhay ee uu Deegaanka ku hoggaaminayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Maashaa  allah,  Guulaha  isdaba jooga  ah ee xowliga  ku socda ee uu  Madaxweyne  Cabdi Maxamuud Deegaanka ku hoggaamiyey, waxaa qayb weyn ka qaatay adeegsiga warbaahiyaha Qamar  Sanaaciga  saaran ee  ESTV oo  kowkabka  aynu  ku noolahay  afartiisa jihood  laga daawado, codkiisuna wada gaadhay. Waxaan leeyahay Madaxweyne Hambalyo. Bagaad Hirgalisay Warbaahiyaha ESTV. Wuxuu  qayb libaax ka  qaatay isku xidhka Qurbojoogta & Qurbojiifta u dhashay Deegaanka iyo Bulshweynta ku nool Dalka gudihiisa iyo sidoo kale Dowladooda Deegaanka.

Xog  isweydaarsiga  dhexmaray  Madaxda  Deegaanka  iyo  Jaaliyadaha  ku  nool  dalalka shisheeye, waxay soo jiiteen ooy sabab u noqdeen in Qurbojoog farabadan ay Dalka dib ugu soo laabtaan. Iyagoo  ay  badankoodu qayb laxaad leh ka  qaadanayaan Hurumarka dhan kastaba ah,  Dhismaha iyo warshadeynta ka socota guud ahaan Dalka Ethiopia, Gaar ahaan kuwooda u baahan maalgalinta ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale waxay talaabadaasi soo de-dejisey in Qurbojiif Farabadan ay Deegaanka dib ugu soo guryo noqdaan. Iyagoo ay badankoodu yihiin dad howl gaba. Waxay markii ugu herreysay ogaadeen in ay ku noolaan karaan Dalkooda hooyo. Waxay dhiirigalin ka heleen hanaanka Dowladnimo iyo maamulka suuban ee uu horkacayo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar. Waxay yaqiinsadeen in maanta maamulka ka jira Deegaanku yahay mid la isku halayn karo oo ay ku aamini karaan Naftooda, Ubadkooda iyo Maalkoodaba.

Marka wax kastaba laga soo tago, arinka ugu muhiimsan ee uu Madaxweyne Cabdi Maxamuud ka gun gaadhay, kuna guuleystay ayaa ah:

Isagoo shacabkii u dhashay Deegaanka ka dhaadhiciyey in ay yihiin shacab ka mid ah Shucuubta iyo Qowmiyadaha kala duwan ee kuwada nool Dalka Itoobiya.

Wuxuu Shacabkiisa ku abuuray Wadaniyadnimo Itoobiyaanimo ah, waana ta aad ugu fududeysay in Madaxweyne Cabdi Maxamuud uu gacan taageero uga helo Shacabkiisa, ka qaybqaadashada barnaamijyada horumarka, gaar ahaan dhinaca la dagaalanka Nabad diidka, ood hada moodo in cimrigoodu uu gabaabsi marayo.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud wuxuu gaadhsiiyey Shacabkiisa Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, inuu maanta noqdo shacab Sal Muggii u fadhiya. Shacab aan sidii hore u muluq-muluqleyn oon kolba meel isu dhufan. Shacab aaminey inuu ka mid yahay Shucuubta Dalka Itoobiya. Shacab ogaaday in uu xaq ku leeyahay Dalka Itoobiya oo maanta ka hela.  Shacab growsaday in Dalkiisu isna Xaq ku leeyahay oo maanta bixiya.

Hadaba Madaxweyne Cabdiyow, intaa aan kor ku soo sheegay iyo in kaloo badan oonan halkan  ku soo koobi kareynin ayaan anigu arkayaa.

Laguu doorin maayee, dalkaad u dhalatey iyo deegaankii ood u dadaashey baan arkayaa.

Xeelado casriyeysan, barnaamijyo tayeysan, wax qabad muuqda ood leedahay baan arkayaa.

Kaabayaasha dhaqaalaha kuwwooda muhiim ka ah ood kor u qaaday baan arkayaa.

Aayaha shacabka, ambadkii lagu hayay, asaagood ka reebay ood soo owddey baan arkayaa.

Geeluba aakhiruu xoogiisa arkaaye, shacabkii hurdey ood wax fahamsiisey baan arkayaa.

Nimco iyo sareedo ilaahay idinku galladay aseen la arki jirin ood tustay baan arkayaa.

Agoontii iyo maatadii ood uruurisay, kuwii aabayaashood dilayna, dabargoysey baan arkayaa.

Eberweyne Maxamed Cumar Dacay, kaan waxbaba ahayn iyo kooxdiisa ood edbisay baan arkayaa.

Yaanuu qalinku ila sii durkine, biri ma geydadii ood booskoodii ugu baaqday baan  arkayaa.

Madmadow yare haba muuqdee, madaxdhaqameedkii deegaanka mansabkoodii hore ee kuligood lagu yaqiinney ood soo celisay baan arkayaa.

Duubkii ilaahay ceshadey iyo qareenkii Deegaanka ood sharaf iyo maamuus, aas qaran ku sagootidey baan arkayaa.

Haba kaa da’ weynaadaane, Waxkaleweynayaashii ood ka wada roonaatey baan arkayaa.

Dadaalo dheeraad ah, darmooyin nabadeed, deeqo wax barasho ood fidisay baan arkayaa.

Bowdo Rag maalinba mid baa qaawane, abaal badan ood guddey baan arkayaa.

Arligiina itoobiya, dowladaha Deegaanka  kuwa ka arrimiya adigoo wada dhaafay baan arkayaa.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud ha lagu wada daydo, oo la leeyahay baan arkayaa.

Kuwii kuu darraan jirey, danahaaga dabooli jirey qowmiyadaha kale inaad  isku dan tihiin adigoo ogaadey baan arkayaa.

Madaxweyne, dhan kastaoo la eegaba dibadda iyo gudahaba horumar waafiya oo la taabankaro ood ka gaadhay baan arkayaa.

Horumarka iyo guulaha baaxadda leh ee Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar (CMC) ku sagootiyey sannadkan aynu dabayaaqadiisa ku jirno waxaa ka mid ahaa:

Dhameystirka gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Caasimadda Jig-jiga oo lugu maamuusay looguna magacdaray Halyeygii horseedka u ahaa, la dagaalankii Gumeysiga iyo  gobanimo doonkii Deegaanka, Garaad Xirsi Garaad Faarax Garaad Xirsi (Wiilwaal).

Bilic dheer oo taariikh weyn leh oy magaalo nasiib maskaxi ka danbeysay u heshay, hasayeeshee hanan kari weydey oy dayacday, ayaa ilaahay solansiiyey oo uu asiibay markuu Madaxweyne Cabdi Maxamuud ka taagay badhtamaha jig-jiga Caasimada Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya. Waa taalada Sayid Maxamed Cabdule Xasan, Aabihii gobanimo doonka gayiga Soomaalidu ku nooshahay ee Geeska Afrika oo u dhashay Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud wuxuu qabanqaabiyey oo ilaahay ku guuleeyey, martigalinta Xuskii dabaaldagga maalinta Qowmiyadaha Dalka Itoobiya oo aan horay loo arag noociisa oo kale. Aad baan ugu farxay markaan arkay dadaalka faraha badan ee ay Madaxda iyo Shacabka Deegaanku ugu jireen soo dhaweyntii iyo martigalintii qowmiyadihii kala duwanaa ee martida u ahaa. Kuwaa soo ahaa dad aad u fara badan oo maalin qudha meel qudha isugu yimid.

Waxaanan kasii farxad badnaa markaan arkay Xuskaa Qowmiyadaha oo si nabadgalyo ah ku soo dhammaaday. Waxaanan niyadda iska idhi: Baguu dhammaaday oo uu guul & nabadgalyo ugu dhammaadey.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumarow, Cidi kuu tilmaami meysee, helyeeyaddii Qowmiyadda marwadii magaca dheereyd Xaawo Cismaan Taako oo u dhalatay Deegaanka Soomaalida Itoobiya ood  iyana maamuusto ayaa lagaaga fadhiyaa. Guul & Horumar intaa ka sii balaadhan ood ku nagaadaan iyo heerka dhaqaalaha dex-dexaadka ah ee aad tiigsaneysaan ayaan adiga Madaxweyne Cabdi, Cabdiyada kale ee kugu xiga , Madaxda kale  & Shacabka Deegaankaba u jajaynayaa.

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Waa qoraal isagu jira xaqiiq iyo guulwadayn. Waxaan is leeyahay hadii ka bad badiska badan laga dayn lahaa waxuu noqon lahaa qoraal tayo fiican oo objective ah.

Madaxweyne CMC arimo badan oo wacan ayuu qabtay, aana ka xusi karo in uu shacabka tusay in ayna itoobiyaanimada cidna marti ugu ahayn, dalkooda aaminaan, keegana geeskooda ka goostaan. In xuskii qowmiyadaha dalka lagu qabto Jigjiga, iyadoon wax dhib ahi ka dhicin waxay tusaysaa in deegaanku isu aqoonsaday, dowladuna u aqoonsatay qayb muhiim ah oo Itoobiya ka mid ah.

Soo xero galinta qurbajoogta deegaanka ooba hada gaadhay in caruurta waqtiga fasaxa dalkii caano lagasoo siiyo, halkii Kenya la aadi jiray. La dagaalanka xoogaga nabad diidka oo uu u hagar baxay, balse arintan danbe waxaa la socda tacadiyo badan oo maamulka laftiisa kula kaco shacabka isagoo adeegsanaya kaadhka NABAD DIID.

CMC waxaa uu ku amaanan yahay in uu abuuray saxaafad qayb wayn ka qaadatay in guud ahaan soomaali, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda deegaanku ay badalaan fikirkii hore ee ahaa in meeshu boholo galeen aan la tagi karin tahay. Dhaliisha saxaafadaasi waa in aan tafatir lagu samayn wararka lagu qorayo iyo kuwa lagasoo daynayo (ESTV) oo marar badan arimo aan munaasab ahayn soo daaya.

Dhanka kale waxaa wanaag aan la dafiri karin ahaa in hanaankii dowladnimo la gaarsiiyay meelo badan oo hada ka hor aanu ka jirin. Qaybo badan oo deegaanka ah dadku waxay uun arki jireen oo kali ah ciidan uuraal saaran oo aan soomaali ku jirin, hadase tii waxaa badalay iskuulo, ceelal iyo goobo caafimaad ay soomaali ka howl galayso. Waxaa wali jira deegaan aan dowladu gaarin oo ka mid ah Nogob.

Labada arimood ee maamulka CMC uu ku fashilmay ayaa ah: Nidaamkii cadaalada oo gabi ahaanba meesha ka maqan iyo qabyaalad. Deegaanka kama jiro waxa la yiraahdo Judiciary system, qofka muwaadinka ahina ma laha xaquuq uu isku difaaco hadii la tuhmo. Xukunka maamulku u garto ayuu liqaa.

Qabyaalad iyo kanaa i xiga ayaa iyana meesha ka jirta, inkastoo arintaa ay kala siman yahiin maryooleey meel walboo ay joogto.

Isku soo duuboo CMC madaxdii hore waxuu kaga duwan yahay waa nin shar iyo khayrba leh, halka ragii ka horeeyaya shar kali ah ahaayeen.

Page 8 of 72