Jigjiga(xogogaalonline) March 07,2013.Iyada oo guud ahaanba maanta deegaanka si balaadhan looga xusay xuska 15 ee sanad guurada aas aaska X.D,SH.S I ayaa waxaa munaasabad siwayn loo soo Maamuus-qurxiyay looga xusay xarunta deegaanka ee magaalada jijiga munaasabadan oo mudooyinkii ugu danbeeyayba siwayn loogu diyaar garoobayay indhahaaguna ku dhacayeen sida loo sii qurxinayay Wadooyinka,Guryaha Magaalada,Xarumaha 10ka xaafadood,Halkudhegyada iyo Dhaantooyinka, gaar ahaana xafiiska golaha dhexe ee XDSHSI ayaa Diyaargarow aad u balaadhan oo dhamaystiran u soo galay sida Qurxoon ee ay xuska 1511d ee XDSHSI uu maanta uga dhacay Jigjiga,iyadoona ka dhacday hoolka shirarka ee S.M.C Xasan.
Munaasabada Maanta loogu dabaaldegayay 15 guurada ka soo wareegtay aas-aaskii XDSHSI oo ku beegnayd maanta oo ah 28ka bisha Yekatiit 2005 Tirsiga Itoobiya ayaa ay ka soo qayb-galeen masuuliyiinta xukuumada ugu saraysa oo uu ka mid yahay ku sii simaha Xafiiska madaxwaynaha DDSI ahna wasiirka caafimaadka Mudane C/fataax Maxamuud Xasan, Gudoomiyaha X.D.SH. S I ahna Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Maxamed-Rashiid Isaaq,Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI Mudane Axmed Maxamed Shukri,dhamaan hogaaminta XDSHSI, shaqaalaha DDSI, garaadada, suldaanada,odayaal-dhaqameedka,Qurbajoogta,culimaa'udiinka, fanaaniinta deegaanka, iyo shacab-wayne aad u tiro badan.
Ugu horayn waxaa munaasabadan furay madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Ahmed mohamed shugri oo u mahadceliyay Guud ahaanba Shacabweynaha DDSI ee ku kala Dhaqan Dalka iyo Dibadahaba sida wadaniyadeed ee ay ugu Dabaaldagayaan 15-Guurada XDSHSI ee maamuuska-sharafeedku dheehantahay,islamarkaana warbixin ka bixiyaya heerarkii kala duduwanaa ee uu xisbigu u soo maray Taabogalinta Isbedel-horumarineed oo Damaanad u Noqda Shacabka iyo maamul-suuban oo hanta Qaab-dhismeedyada Dawlada kana goan tahay ka midho-dhalinta Qorshayaasha Kobaca Dhaqaale taasoo maanta Guud ahaanba laamaha Dawlada laga askumay,sidoo kalana N/galyada iyo Kaabayaasha Horumarinta Magaalooyinka iyo xoolo-dhaqatada ayaa isbedel la taaban karo oo muuqda kuna socda xawli laga taabo-galiyay Deegaanka.
Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI Mudane Axmed Maxamed Shuri ayaa Farxada Xuska 15-Guurada XDSHSI Tahniyad ugu Diray Guud ahaanba Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI meel kasta oo ay kaga dhaqan yihiin Daafaha Dunida,Gaar ahaana Minniapolise oo Diyaargaraw ugu jirta Qabanqaabada Xuska Xisbiga.
Madaxa Xarunta Dhexe ee XDSHSI ayaa Tilmaamay Qodobo ka mid ah Yoolka Xisbiga kuwaasoo ay ka mid yihiin:-1-XDSHSI waxa uu la halgamayaa Aragtida Dulsaarnimada,N/diidka,Qabyaalada iyo Aragtida Soomali-wayn
2-XDSHSI waxa ka go'an Hirgalinta iyo Ka midho-dhalinta Qorshaha 5ta Sano ee Kobaca Dhaqaalaha
3-XDSHSI waxaa ka go'an ka midho-dhalinta Yoolasha Barnaamijka Dejinta Dooxooyinka iyo Wabiyada
4-XDSHSI wuxuu Hirgalinayaa Barnaamijka Xoolo-dhaqato-Beeralayda kaasoo ah aas-aaska Horumarka Bulshada
5-XDSHSI Wuxuu abuuraa Xubno Xisbi oo Leh Aragti Horumarineed iyo Mid Nabad-gelyo
6-XDSHSI si uu uga keeno isbedel Nololeed Bulshada Xoolo-dhaqatada ah ayaa uu Sameeyay Qorshayaasha iyo Strategyada loogu badelayo Xoolo-dhaqato beeraleey.
7-XDSHSI waxaa ka go'an Tirtirida Hadhaaga Nabad-diidka iyo Adkaynta Xuduudaha.
8-XDSHSI wuxuu sii Xoojinayaa Nidaamka Dibucurashada iyo Maamulka-Suuban ee ka hano-qaaday Deegaanka.
ka dib ayaa uu Mudane Axmed M-Shukri Tilmaamay jadwalka Munaasabadu ku socon doonto Codbaahiyahana uga baxay Kooxda Liyuu-band oo ay Ka Dhex muuqdeen Abwaanka Caanka ah ee Dabadii lagula tartami karin Curinta iyo Luuqda hab-ciyareedka Dhaantada oo ay la jiibinaysay Fanaanada Codka Halaasiga laga daba dhacay leh ee Kafeeya oo guud ahaanba masraxii Qarsoomay markii Dhadhanka Dhaantada awgeed kursigii la xamili waayay.Waxaana madasha munaasabadaasi ay ka socoday ku soo bandhigayay heeso, dhaantooyin ay ka dheceen ka soo qaybgalayaashii munaasabadani.
Waxaa intii ay munaasabadani socoday lagu soo bandhigay dood cilmiyeed ka warbixinaysa marxaladihii iyo sooyaalkii-taariikheed ee uu soo maray XDSHSI waxaana soo bandhigay doodaasi wasiirka hawlaha guud iyo horumarita magaalooyinka mudane C/rahmaan sheikh maxamed doodaati oo siwayn loo falanqeeyay ayaa waxay ka soo qaybgalayaasha munaasabada ay ka qaateen fahan buuxa oo ku saabsan maraxaladii kala duwanaa ee xisbigu u soo maray isbedeladan horumarineed,N/galyo iyo kobaca dhaqaale ee maanta lagu wada hamiyayo Damaanad-nololeedna u noqday Shacabweynaha DDSI,halka DDSI oo hore loo odhan jiray Deegaanada dib u dhacay wakhti-xaadirkan Guud ahaanba Deegaanada Federaalku Waayo-aragnimo iyo khibrad ku dayasho mudan loo soo doonto.
Ku sii simaha madaxwaynah DDSI mudane c/fataax maxamed xasan oo ayaa si qoto-dheer uga warbixiyay Hagardaamadii iyo cadaadiskii ba'naa ee Shacabku ka dhaxleen talisyadii Shuuciga ahaa Mingiste iyo X/selase,sidoo kalana Isbedelkii Dimoqraadiyad,sinaan,cadaalad iyo xoriyada wadanoolaanshaha ee ka curtay halgankii EPRDF,islamarkaana 15-guurada XDSHSI ee maanta la xusayo ka mid tahay Midhihii ka dhashay Halgankii Bahwadaagta EPRDF ayuu yidhi.
Gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamed Rashiid Isaaq ayaa waxa uu munaasabadaasi ka soo jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa wuxuuna yidhi”
Mudanayaal iyo marwooyin aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca XDSHI waxaan leeyahay dhamaan shacabka deegaanka soomalida itoobiya han- balyo han-balyo:-Mudanayaal iyo Marwooyin; sidaan wada ogsoonahay iyada oo dalkeena itoobiya cadawga koowaad waxa uu ahaa saboolnimada,sidaasi darteed, hilimada dalkeena itoobiya waa in shacabkeena ka mid noqdo wadamada dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay taasina waxay u baahan tahay in aan ka midha dhalino yoolka qorshaha koboca dhaqaalaha iyo isbadelka GTP, ee dalka iyo deegaankaba.
Mudanayaal iyo Marwooyin:- XDSHSI isaga oo bartilmaameedka dhiganaya himilooyinkii iyo aragtiyadii horumarineed, nabadgelyo iyo maamulka suuban ee uu inooga tagay hogaamiyihii hore Raysal wasaarihii Meles Zenawi ee hormuudka u noqday Damanada Dastuurka hirgalinta qorshah 5ta sano ayaa waxaa guulo waawayn laga soo hooyay dhinacyada nabadgalyada, horumarka iyo maamulka suuban.
Dhinaca nabadgelyada:- waxaa gacanta lagu dhigay guud ahaanba nabadgalyada iyo xasiloonida deegaanka iyada oo la adeegsanayo ciidamada gaar ka ah ee geesiyada liyuu booliska (LB), ciidamad difaaca garanka,qurba joogta iyo shacabwaynah deegaankeena, waxaa deegaanka laga hirgaliyay saraynta sharciga.
Dhinaca horumrka:- waxaa markii ugu horaysay XDSHSI uu baahidiisa koowaad, labaad iyo sedexaadba ka dhigtay dhinaca biyaha waxaana la hirgaliyay sidii looga faa’iidaysan lahaa biyaha roobka, barnaamijka biyo ururinta, biyaha wabiyada iyo soo saarida biyaha dhulka hoostiisa ku jira , waxaa xooga la saaray qalabka sida Riigaga ( heavy Machineries) iyo hirgalint qaabdhismeedka lagu soo saari karo biyaha uu shacabku u baahan yahay taasi oo wakaalada hawlaha dhismaya biyaha la aas aasay awoodeedana la cobciyay. Waxaa xukuumadu anjande u qaadatay hirgalint jidadka taasi oo goobaha kala xidhan ee aan lahayn wadooyinka gaar ahaan goobaha ay nabad’diidku dhuumaalaysan jireen islamarkaana laga sameeyay wadooyin muhiim ah. Xisbigu waxa uu hirgaliyay barnaamij iyo siyaasada lagu dajinayo bulshada reer guuraaga ah looguna badalayo xoolo dhaqato beeralay. Waxaa ilaa iyo haatan la dajiyay qoysas gaadhaya 135,000 kuwaasi oo ka faa’iidaystay barnaamijka.
Dhinaca maamulka suuban iyo siyaasada:- laga bilaabo shirwaynihii 5aad ee XDSHSI silooga baxo dhibaatooyinkii soo jireenka ahaa una hanto kalsoonida shacabkiisa ayaa halgan balaadhan oo adag lagu sameeyay gudihiisa, isla halgankaasi xisbiga ayaa lagu abuuray hogaamin iyo xubno xisbi oo aaminsan xisbinimada lehna aragti horumarineed waxaana xisbiga lag sifeeyay xubnihii aaminsanaa fikirada soomali wayn, nabad’diid kooxaysi dulsaarnimada iyo qabyaalada, waxaa tababar lagu kobcinayo garaadka siyaasada la siiyay hogaaminta dhexe iyo hogaaminta sare ee XDSHSI. Waxaa la balaadhiyay qaab dhismeedka DDSI iyada oo la aas aasay lana ansaxiyay 16 degmo oo cusub iyo 4 ismaamul magaalo. Waxaa xisbiga laga hirgaliyay nidaamka dib u curashada, waxaana la aas aasay komishinka anshaxa oo la dagaalama musuqa waxaan deegaanka laga hirgaliyay talafeeshinka soomalida itoobiya oo 24 saacadoodba hawada ku jira.